Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay Geeridda Xillibaan Golaha Shacabka ka tirsan

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan eheladda iyo saaxiibaddii uu ka geeriyooday Alla ha uy naxatiistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi oo ku geriyooday Magaaladda Muqdishu.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Marxuumka in allaah uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, waxaana uu guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi.

Sidoo kale Siihayaha Guddoomiyaha, Ahna Guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Duurey oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxaa la filayaa in maanta lagu aasayo Magaaladda Muqdishu, waxaana aaskiisa ka qayb gali doona madax katirsan Dowladda