Somali News

Madaxweeynaha Venezuela oo Weerar ka Badbaaday

Muqdisho-KNN-Madaxweeynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa sheegay in uu ka badbaaaday isku day dil oo loo adeegsaday Diyaaradaha aan la wadin oo Bambaanooyin la beegsatay.

Maduro waxaa uu ka hadlayay xaflad military Magaaladda Caracas dhexdeeda markii uu sheegay in Weerar lala begsaday.

Muuqaal la duubay ayaa muujinaayay madaxweeynaha kor u booday iyo Askar hareerihiisa taagnaa oo firxaday.

Maduro waxaa uu Weerarka ku eedeeyay Colombia, eedeeyntaasna waa ay in kirtay Dowladda Colombia.

Todobo Askari ayaa ku dhaawacmay Weerarkaan waxaana lasoo wariyay in Dad loo xirixiray.