Uncategorized

Madaxweye Gaas oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya

Boosaaso-KNN-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Puntland dib ugu soo laabtay kadib safar deg deg ahaa oo todobaad ka hor uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa iyo arimo kale.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horeyn faafaahin ka bixiyay socdaalkii isaga iyo Wafdigiisa ay u tageen dalka Imaaradka Carabta wuxuuna sheegay in ay ahayd arimo laxiriira amniga Puntland iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland , waxaana uuna tilmaamay in  wadahadaladii ay layeesheen Imaaraadka uu guul ku soo dhamaaday.

Sidoo kale waxa uu sheegay in  dowladda Imaaardka Carabta uu kala hadlay  wixii kaga aadanaa dhexdhaxaadinta khilaafka u dhexeeya dowladada Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa dhankale hambalyo udiray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kaas oo shalay ku guuleystay doorasho ka dhacday xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.