Somali News

Madaxweye Qoor Qoor oo kulan la qaatay wafdi ka socda DFS

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta waxa uu xarun ta madaxtooyada ee Galmudug kula kulmay wafdi ka socda dawlada Soomaaliya.

Wafdigan oo maanta gaaray magaalada Dhuusareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa ka mid ah sii hayaha xilka wasaaradda gargaarka ee dawlada Soomaaliya Xamse Siciid Xamse iyo masuuliyiin kale .

Wafdiga ayaa waxa uu u jeedka safarkooda Dhuusamareeb ku qotomaa, sidii ay maamulka Galmudug ugu wareejin lahaayeen, qalab lagu ogaado isbadalka Cimilada, si la mid ah maamul goboleedyada Puntland , Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo horay, iyagu loogu wareejiyay.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku bogaadiyay masuuliyiintan, hawlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.