Somali News

Madaxweynaha Aljeeriya oo ka digay qalalaaso ka dhaca dalkaasi.

Madaxweynaha xanuunsanaya ee dalka Aljeeriya, Cabdulcasiis Butefliqa ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta dibedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo musharraxnimadiisa doorashada soo socota.

Warqad lagu daabacay wakaaladda wararka ee dalkaasi, APS, ayaa 82 jirkan ku xanuunsan magaalada Geneva waxa uu ku ammaanay dibedbaxayaasha “sida nabadda leh ee ay fekerkooda u cabireen”.

Balse waxa uu ugu baaqay inay iska jiraan “suuragalnimada ah inay ku soo dhex dhuuntaan xooggag dibedda iyo gudaha laga soo diray”.

Madaxweyne Butefliqa ayaa bishii hore shaaciyay inuu mar shannaad u tartamayo madaxtinnimada Aljeeriya.