Somali News

Madaxweynaha Bangiga Aduunka oo si lama filaan ah u sheegay in uu iscasilayo.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Bangiga Adduunka Jim Yong Kim ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilayo kadib markii uu jagadaasi hayay muddo lix sanadood ah.


Is casilaadiisa ayaa waxa ay dhaqan galaysaa 1-da bisha Febaraayo.
Mr Kim, oo 59 sano jir ah ayay ahayd in uu xilkaasi sii hayo tan iyo sanadda 2022-ka, kadib markii mar labaad dib loogu doortay in uu hogaamiyo Bangiga Adduunka sanadkii 2017-kii.


Warbixin ayuu Mr Kim ku sheegay: ” waxa ay ii ahayd sharaf weyn in aan madax ka noqdo shirkaddaan cajiibka ah”.


Balse Mr Kim ayaanan sheegin sabata keentay is casilaadiisa lama filaanka ah.


Bangiga Aduunka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabi doonaan qaabkii ay u soo magacaabi lahaayeen qofkii bedeli laahaa Kim.