Uncategorized

Madaxweynaha Cusub ee Hirshabelle oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baledweyne

Baledweyne–KNN–Wafdi u hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magalaada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ku soo dhaweyay Wasiirro .xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle,Maamulka Gobolka Hiiraan,Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle  ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle,Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliya jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Musharaxiintii la Tartantay qaarkood.

Maxamed Cabdi Waare ayaa hadda ku sugan Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan,halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Magaalada Baledweyne ee uu Maanta tagay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxaa Todobaadyo ka hor Qaar ka mida Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ay uga dhawaaqeeyn Maamul ay ugu Magac dareen Hiiraan State,waxaana ka mida Arrimaha uu Madaxweynaha u tagay inuu Xaliyo Tabashada ay qabaan Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.