Somali News

DEG DEG:-Madaxweynaha cusub ee Puntland oo maanta la doortay.

Garoowe-KNN-Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta si rasmi ah waxaa ay u doorteen Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Saciid Abdullahi Deni, waxaa uuna helay codad gaaraya ku dhaawaad  35 , Halka musharaxa kale Asad Cismaan Abdullahi waxaa uu isna helay 31.

Gudoomiyaha Baarlaamaanka Puntland Cabdi Xakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland loo doortay Saciid Abdullahi Deni.

Ilaa iyo 21 musharax ayaa u taagnaa  xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland, iyadoona qaar ka mid ah ay ku hareen wareega koowaad.

Musharixiinta haray ayaa waxaa ka mid ah Cabdi Weli Maxamed Cali gaas.