Somali News

Madaxweynaha cusub ee Puntland oo maanta xilka la wareegaya.

Garowe-KNN-Saciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa maanta la wareegaya xilka madaxweynaha oo loo doortay 8dii bishaan.

Xafladda xil wareejinta ayaa ka dhacaysa madaxtooyada Garowe waxaana ka qeyb galaya masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo marti sharaf kale.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaad ka hor loo doortay madaxweynaha Puntland kadib markii uu ka adkaaday 20 musharax kale oo la tartantay.