Uncategorized

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe oo magacaabay Golaha Cusub ee Wasiirada Dalkaasi.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha cusub ee Dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ku dhawaaqey Golahiisa Cusub ee wasiirada waxaana qeyb ka ah magacaabista jagooyin sar sare ee uu siiyaay saraakiil katirsanayd Ciidamada Militariga Dalkaasi oo awaadii ka qaaday madaxweynihii hore Robert Mogabe.

Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Mnangagwa ayaa ka kooban ilaa 22 wasiir oo ay ku jiraan wejiyo ku cusub liiska Xukuumada Wadankasi Zimbabwe.

Wasirka arrimaha dibadda ee cusub ee Zimbabwe waa Sibusiso Moyo, waana janaraalkii laba todobaad ka hor sida la yaabka lahayd telefishinka dalkaasi uga dhawaaqay in awooda dalkaasi ay ciidamada la wareegeen.

Waxaa uu sido kale magacaabay Mr Mnangagwa ilaa 6 wasiir ku xigeeno oo dhamaantoodi ku cusub liiska dowladda dalkaasi.

Perence Shiri oo horey u ahaa Madaxii ciidamada cirka ayaa loo magacaabay wasiirka dhulka iyo beerarha dowladda csusub ee manangagwe.

Waxaa uu caan ku ahaa oo uu hogaaminayay howlgalkii ka dhacay goobt lagu magacaabo Matabelelandin horraantii 1980 kaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 20 kun oo rayid ah .

Mr Tendai Biti oo kamid ah dadka dhaliila dowladda ayaa sheegay in waqtigii dabaaldaga uu dhamaaday,isagoo intaa ku daray in si sahlan ay u rajaynayeen isbadal taasi oo muujinaysa ayuu yiri sida aan u qaldanayn.

Emmirson Mnangagwa ayaa dhawaan loo dhaariyay xilka madaxweynaha Zimbabwe kadib markii xilka uu ka degay Mr Robert Mogabe oo muddo 37 sano ah soo maamulayay dalkaasi.