Somali News

Madaxweynaha dalka oo iscasilay, kadib markii xabsiga la dhigay

Madaxwaynihii dalka Mali Ibrahim Boubacar Keïta ayaa iscasilay, ka dib markii ay xireen militariga dalkaasi Talaadadii, waxaa sidaasi sheegay telefishinka qaranka dalkaasi.

Khudabad uu telefishinka ka jeediyay ayuu , Mr Keïta waxaa uu sheegay in sidoo kale uu kala diray baarlamaanka dalkaasi.

“Waxaan doonayaa in uusan dhiig u daadin si aan awoodda u sii hayo,” ayuu intaa ku daray.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii isaga iyo rai’sul wasaarihi dalkaasi Boubou Cissé la xiray islamarkana la geeyay saldhig militari oo ku yaalla caasimadda Bamako.

Tallaabadda militariga ayaa waxaa cambaareeyay dalalka gobolka iyo dowladda Fransiiska .

Mr Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaaladda amni ee kasii dareysa.