Somali News

Madaxweynaha DD Soomaalida oo ka hadlay sanad guurada 60-aad ee xorriyada Soomaaliya

Jigjiga-KNN-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cagjar ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasbadda 1-da Luuliyo oo ku beegan goortii ay xornimadeeda gumeystihii Talyaaniga ka qaadatay koonfurta Soomaaliya, isla makraana ay midoobeen labada gobol ee waqooyi iyo koonfur ee Soomaaliya.

“Hambalyo Hambalyo 1-da Luuliyo 0o ku beegan 60-guuradii ka soo wareegtay markii koonfurta Soomaaliya ay xornimada ka qaadatay gumaystihii Talyaaniga. Waa maalintii midowga ummadda Somaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida.

“Waxaa mudan in la xuso taarikhdii ay awooweyasheen u soo mareen halgankii xorriyadda ummadda Soomaaliyeed, abaal weyn ayey nagu leeyihiin, abaalkooda kan ugu qiimaha badan waa inay nooga tageen calan xor ah iyo waddan sharaf iyo karaamo leh” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Madaxweyne Cagjar.

Ugu dambeyntii madaxda ugu sarreysa ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan hormarinta dalka, ayna dhan iska dhigaan mad madowga siyaasadeed ee jira.