Somali News

Madaxweynaha DR Congo oo mar kale ku guulleystay Doorashadii ka dhacday dalkaasi

Madaxweyne Félix Tshisekedi ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada dhowaan ka dhacday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha hadda talada haya uu guuleystay  73% codadkii la dhiibtay, halka ninka ugu soo dhowaa ee Moise Katumbi uu helay 18%.

Natiijada Doorashada waxaa ka hor yimid musharaxiinta mucaaradka ee ka qeyb galay Doorashada, iyaga  oo dalbanaya in mar kale lagu celiyo.

Qaar kamid ah 18-ka musharrax ee mucaaradka sheegay in ay tagi doonaan Maxkamad si loo saxo natiijada Doorashada.

Madaxweynaha mar kale la doortay ee Congo, Tshisekedi ayaa xilka loo dhaarin doona 20 ka Janaayo, sida ay shaacisay Madaxtooyadda dalkaasi.