Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Cagal ayaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdishu ku booqday Xildhibaan Xasan Xirsi Faafaale oo kusoo dhaawacmay dagaalo ka dhacay degmada Guriceel.
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanka u rajeeyay caafimaad taam ah iyagoona shegay in xildhibaan Xasan Xirsi Faafaale ay xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso haatan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen Allaha u naxariistee Taliyihii guutada 13aad G/dhexe Cali cagaweyne iyo taliyihii howlgalinta qeybta 21aad Gle/sare Cabdiqaadir Cartan Gasaawe oo ku dhintay Dagaal ka dhacay degaanka Cadakibir kaa oo udhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.