Somali News

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dagaalka ay kula jiraan Ahlusunna.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay dagaalka Galmudug ay kula jirto Ahlusuna.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan cid walbo oo ka soo horjeeda Maamulka Galmudug.


“Duulaan hubeysan ayey soo qaadeyn Kooxda Ahlusuna ,magac aan Diin ka turjimeen ayey dadka ku qaldayaan,Dowladda Galmudug waxa ay ku qasban tahay in ay is difaacdo Mowqifka Galmudug waa in aysan aqbaleyn xoog iyo qori caaradiis, waxaa jira dhinacyo taageera dagaalka Guracel,cadeymo ayaana u heynaa” ayuu yiri madaxweyne Qoor qoor”

Sidoo kale madaxweyne qoor qoor ayaa ugu baaqay dhammaan qof kasta oo reer galmdug ah inay caawiyaan dadka masaakiinta ah ee kasoo cararay dagaaladii kasocday Magaalaada Guriceel .

Waxaana Oo kale uu sheegay in Guddi wasiiro ah iyo masuuliyiin kala duwan loo sameen doono inay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameen doono dadkaasi .