Somali News

Madaxweynaha Hir-shabeelle oo gaaray degaanka Ceelmacaan.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowlad Gobolkeedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta  gaaray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ugu kuurgalay xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga, iyo tan kaluumeysatada deegaanka ceelmacaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhageeystay Kaluumeysatadda degaanka xaalad mudooyinkii danbo lasoo deristay taas oo ah cabasho ay ka muujiyeen maraakiib shisheeye oo xaalufin ku hayay kalluunka iyo wasaq ay sheegeen in lagu daadiyay xeebaha, Degaanka ceelmacaan.