Beledweyne-KNN-Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in uu booqan doono deegaaanada go’doonsan ee Gobalka Hiiraan halkaas oo ay dhibaato adag ku heysato Shacab badan.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in maalinta ah oo ku beegan Biri uu booqan doono magaalada Bula-Barde ee gobalka oo mudo ka badan afar sano xaalad go’doon ah ku jirto iyo Magaalooyin kale ee gobalkaasi ka tirsan.
Wafdiga madaxweynaha ee Shalay gaaray Beledweyne ayaa kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka ee diidan Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan kuwii taageersanaa Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cali C/llaahi Cosoble.
Waare ayaa wado dadaalo uu xal ugu raadinayo dhibaatooyinka heysta Hirshabeelle.