Somali News

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddi qiimeeya u xil saaray khasaaraha qaraxyadii ka dhacay Beledwayne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray guddigaan in si deg deg ah ay ku howlgalaan si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Beledweyne, qiimeynna ay ku sameeyaan baaxada qasaaraha ee uu geystay.