Uncategorized

Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta ku wajahan Beledweyne.

Jowhar-KNN-Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa soo sheegayo in maanta magaalada Beledweyne uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan Golayaasha Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa ka baxaya maanta Jowhar waxa uuna kulamo la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka siyaasiin iyo xubnaha maamulka ee gobalka Hiiraan waxaana la sheegay in uu kala hadlaayo sidii ay dhaqanka kaga soo qeyb gali lahaayeen Xafladda Caleema saarkiisa.

Xubno ka tirsan Xildhibaanada Hirshabeelle oo kana mid ah wafdiga Madaxweynaha ku wehlin doono Safarka Beledweyne ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in ujeedada socdaalkooda uu salka ku haayo kormeer lagu sameeyo deegaanka kulamana lala qaato dhaqanka gobalka oo qaarkood ay dhaliilsan yihiin qaabkii loo maray Xil ka qaadistii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Xafladda Caleema saarka Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 27-ka Bishaan sida ay shaaciyeen Gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle maalintii ay dhacday doorashadaasi.