Uncategorized

Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta ku wajahan degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi-KNN-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan oo ka mid ah degmooyinka Al-Shabaab ay Go’doomiyeen.

Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan wafdiga Madaxweynaha ayaa Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay in Madaxweynaha uu maanta tagayo Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Islamarkaana uu kulamo la qaadan doono qeybaha Bulshada degmadaasi.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shalay booqday Magaalada Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan isagoo qaabilay Qeybaha bulshada kana soo dhageestay Baahiyaha ay qabaan.

Gobalka Hiiraan ayaa magaalooyin ka mid ah waxaa go’doon Giliyay Al-shabaab wax ka badan 4 sano taas oo Shacabka gilisay Xabsi kor ka furan.