Murti & Maaweelo Somali News

Madaxweynaha Hirshabeelle oo magaacay xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo saaray Wareegto ku taariikheysan 24, Oktoober, 2023, kuna saabsan magacaabis Wasiirro.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle:

Markuu arkay: Qodobada 56aad iyo 57aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda.

Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle.

WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN

                Qodobka 1aad

1- Waxaa Mudane Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.

2- Waxaa Mudane Cabdixamiid Maxamed Cali loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.

3- Waxaa Mudane Cabdifitaax Jaamac Warsame loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle.