Somali News

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Saraakiisha ATMIS kala hadlay Howlgallada ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS oo uu wehliyo iyo Taliyaha Secter five ee Atmis.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sida la isaga kaashan lahaa howlgallada Wadajirka ah ee ka socda deegaannada Maamulka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Taliska ATMIS in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalada Al-shabaab looga saarayo deegaanada Hirshabeelle.

Dadka deegaanka oo kaashanaya Ciidamada Xoogga ayaa maalmahan howgallo wadajir ah oo ka sameeyeen Gobolka Hiiraan waxaa ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno hor leh.