Uncategorized

Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Degmada Buula-barde

Buulabarde–KNN– Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Goor dhow gaaray Magaalada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan oo Al-shabaab ay ku Hayaan Godoomin.

Guddoomiyaha Magaalada Buula-barde Cabdi Daahir Guure ayaa sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle iyo Wafdigiisa ay yimaadeen Magaalada si weyna loo soo dhaweeyay.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale booqan doona Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo sidoo kale Al-shabaab ay Go’doomin ku hayaan.

Waxii ku soo kordha Dib kala soco Insha Allah