Uncategorized

Madaxweynaha Hirshabelle oo Maanta tagay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Jalalaqsi–KNN– Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Goor Dhaw gaaray Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa hadda kulan la leh Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee jooga Degmada Jalalaqsi.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa shalay Socdaal kan la mida ku tagay Degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan,waxaana uu sheegay in Maamulkiisu uu Xoogga saari doono sidii loo furi lahaa Wadooyinka ay Al-shabaab Go’doomiyeen.

Al-shabaab ayaa Go’doomiyay Magaalooyinka Buula-barde iyo Jalalaqsi iyo sidoo kale Degaanno Hoos yimaada degmooyinkaas.