Uncategorized

Madaxweynaha Hirshabelle oo Maanta tagaya Buula-barde iyo Jalalaqsi

Baledweyne–KNN– Madaxweynaha Cusub Ee Maamul Gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ay weheliyaan Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa Maanta in ay Booqasho ku tagaan Degmooyinka Buula-barde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Socdaalka Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku Qotoba sidii ay ugu kuur gali lahaayeen Xaaladda ay ku nool yihiin Dadka degen Magaalooyinka Buula-barde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan islamarkaana Mudo Dhowr Sano ah uu saaran yahay Go’doon ay ku soo rogeen Dagaalameyaasha Xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona Mas’uuliyiinta Degmooyinkaas iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee jooga Jalalaqsi iyo Buula-barde.

Sidoo kale Magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buula-barde ayaa Saakay laga dareemayaa qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Cusub ee Maamul Gobolleedka Hirshabelle.