Uncategorized

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xalay jowhar kula kulmay Xildhibaanada Maamulkaasi.

Jowhar-KNN-Maxamed Cabdi Waare  Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo  shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee gobalka shabeelaha dhexe ayaa xalay Magaaladaasi kula kulmay qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa Xildhibaanada waxaa uu kala hadlay sidii loo hormarin lahaa degaanada hirshabelle,iyo in wadashaqeyn fiican ay dhexmarto Madaxda iyo Baarlamaanka,si ay taasi u dhacdo ayuu yiri inay muhiim tahay samatabixinta shacabka hirshabelle.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa  waxaa uu xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ugu baaqday   in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub,ee uu dhawaan magacaabay madaxweynuhu  si howlaha kale ee maamulka ay sii wadaan,Inkastoo Dastuurka Mamaulkaasi uu qabo in golaha Wasiirada uu horgeeyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Maamalmihii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweynaha hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho,islamarkaana uu kulamo la qaadanayay madaxda sare ee dowlada Soomaaliya iyo Xildhibaanada laga soo doortay degaanada hirshabelle ee ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi.