Somali News

Madaxweynaha Hishabelle oo kulamo looga hadlayo doorashooyinka ka bilaabay Muqisho

Madaxweynaha mamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulamo ka bilaabay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu la qaadanayo xubnaha musharixiinta mucaaradka ah ee aadka u diidan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.

Cali Guudlaawe ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Kulan saacado qaatay oo ay labada dhinac dhex ayay uga hadleen arrimaha doorashooyinka, iyo sidii looga gudbi lahaa is mari waaga taagan, islamarkaana xal laga gaaro khilaafka la dhashay doorashooyinka

Dhanka kale madxaweynaha Dowlad Goboledka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Musharax Madaxweyne Abdikariin Hussein Guled.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan hanaanka doorashooyinka qaranka ee aan wali la’isku fahmin sidii loo xaqiijin lahaa in wada ogol iyo wadatashi lagu xaliyo.

Murashaxa Abdikarim Guled ayaa kula dardaarmay Madaxweyne Cali Guudlaawe in uu kaalin lixaad leh uu ka qaato sidii isfaham degdeg ah looga gaari lahaa doorashada dalka.