Uncategorized

Madaxweynaha Iiraan”Mareykanka haddii uu ka baxo heshiiskii nukliyeerka wuxuu la kulmi doonaa Cawaaqib xumo”

Muqdisho-KNN-Maxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay haddii uu Mareykanku ka baxo hishiiska nukliyeerka in uu wajihi doono qoomamo taariikhi ah.

Mr Ruuhaani ayaa hadalkaan ka jeediyey telefishinka qaranka Iiraan xilli uu xoghayaha dowladda Britain Borris Johnson, uu u socdaalay Washington si uu Madaxweyne Donald Trump ugu qanciyo in aan Mareykankanku ka bixin hishiiskii lala galay Iiraan.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu u sheegay hogaamiyayaasha Faransiiska, Jarmalka in hishiiskii nukliyeerka ee Iiraan uu yahay mid aad u liito.

Wasiirka arimaha dibadda Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa maanta u socdaalaya Washington, ujeedadiisuna waxay tahay inuu isku dayo in uu ku qanciyo maamulka Trump in aanu ka bixin heshiiskii nukliyeerka ee Iran lala galay.

Muddadii Maraykanku u qabtay in uu go’aan cad arrintaa ka soo saari doono ayaa waxa ka hadhsan todobaad keliya, Johnson ayaa la filayaa in uu Washington kula kulmo saraakiil sarsare oo Maraykan ah.