Somali News

Madaxweynaha Indonesia oo mar kale ku guuleeystay Doorashadii dalkaas ka dhacday

Muqdisho-KNN-Joko Widodo ayaa dib loo soo dooortay kadib doorashadii Madaxtooyadda ee Indonesia ka dhacday bishii lasoo dhaafay, wuxuuna aqlabiyad uga adkaaday general hore Prabowo Subianto.

Natiijada aya lasii dayay saacadihii hore ee Talaadda maanta ah iyadoo sidoo kalena laga baqayo in ay dhacaan mudaharaadyo rabshado wata.

Ku dhawaad 32,000 oo ciidanka Amaanka ah ayaa la geeyay guud ahaan magaaladda caasimadda ah ee Jakarta, sida ay warisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Musharaxa mucaaradka Prabowo oo 67 sano jir ah wali ma uusan xaqiijin in laga guuleeystay iyo in kale iyo hadii uu natiijadda maxkamad la aadidoono iyo in kale.

ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijadda doorashadda ayuu ka digay khiyaano iyo kushubasho. Sanadkii 2014 ayaa Prabowo waxaa uu lumiyay kiis uu maxkamad geeyay kadib markii Doorashadii xilligaas uu sidoo kale ku gaaracay Widodo.