Uncategorized

Madaxweynaha Iraan oo Weerar afka ah ku qaaday Trump

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa si kulul ugu hadlay hadalada ka soo baxaya Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Fransiiska kuwaas oo ku kulmay dalka Mareykanka kana hadlay Hubka Nugniyeerka ee Iraan.

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa su’aal geliyey sharcinimada isku dayga Maraykanka iyo xulufadiisa reer Yurub ay ku doonayaan in ay wax kaga bedelaan heshiiskii nukliyeerka ee dalkiisa lala galay.

Hogaamiyeyaasha Maraykanka iyo Faransiiska ayaa Salaasadii sheegay in ay ka shaqaynayaan “heshiis cusub” oo qodobadiisu ay sii kordhin doonaan kuwa heshiiskii 2015-kii la galay.

Laakiin Ruuxaani ayaa waxa uu sheegay in aanay labadooda oo keli ahi “xaq” u lahayn in ay dib uga xaajoogaad heshiis todoba geesood ahaa.

Waxaanu intaa ku daray in madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uun yahay nin “ganacsade ah” oo aan lahayn aqoon uu kaga hadlo heshiisyo caalami ah. “ma lihid haba yaraatee aqoon siyaasadeed, aqoon sharci na ma lihid, khibrada uma lihid in aad ka hadasho heshiisyada caalamiga ah” ayuu ku yidhi Ruuxaani madaxweynaha Maraykanka.

Trump ayaa sheegay in Maraykanku cunoqabataynta uu diidayo heshiiskaasi ku soo rogi doono Iran 12-ka bisha May, hadii Congress-ka Maraykanka iyo quwadaha reer Yurub wax ka bedeli waayaan “gol daloolooyinka halista ah” ee heshiiska lala galay.