Somali News

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Ismaaciil Cumar Geelle oo la hadlay laanta af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dowladdiisu ay aad uga xun tahay khilaafka ka dhex aloolsan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Jubbaland, isagoo tilmaamay in khilaafkan uu cuuryaaminayo horumarka dowladninada iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

 “Fadhigii Soomaaliya waan ka qeybgalnay, waana ku caddeenay halkaa, sida arrinku dhanka wanaagga ugu socdo, dhanka soo kabista ugu socod annaga kama harin kama aanu hareyno, maxaa yeelay garab buu innaga inoo yahay” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayuu uygu baaqay in ay muujiyaan isu tanaasul, una turaan danta guud ee dalka.