Somali News

Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi katirsan Dowladd dalkaasi ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho sida ay shaacisay Dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa xalay Wariyaasha u sheegtay in ay u diyaar garoobaan tabinta warar ku saabsan imaanshiyaha Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaarayo magaaada Muqdisho.

Wadooyinka Muqdisho ayaa maanta intoobadan xiran waxaana Gaadiidka laga joojiyay wadooyinka muhiimka ah Muqdisho.

Shacab badan oo isugu jira Arday, Shaqaale, iyo dhamaan qaybaha Bulshada ayaa saakay lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho iyagoo lugaynaya maadaama ay wadooyinka xiran yihiin.