Somali News

Madaxweynaha Jabuuti oo Muqisho yimid

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa yimid magaladda Muqdisho, waxaana uu la kulmay soo dhaweyn aad loo diyaariay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Faderalka ah ayaa soo dhaweeyay Madaxweyne Geele iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Ismaaciil ayaa waxaa uu salaan ka qatay cutubyo ciidanka Qaranka ka mid ah.

Soo dhaweynta Geele waxaa sidoo kale ka qay b galay kooxaha Hidaha iyo dhaqanka oo qaadayay heeso iyo halkudhigyo soo dhaweyn u ah Madaxweynaha Jabuuti.

Waxaa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxweyn aha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, sidoo kale waxaa uu xarigga ka jari doonaa saraafadda cusub ee Dowladda Jabuuti Muqdisho ka dhisatay.