Muqdisho–KNN– Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland ayaa Maanta yimid Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya,waxaana lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u yimid inuu ka qeyb galo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo 4-December ka furmi doona Madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa Muqdisho imaan doona Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada oo iyaguna ka qeyb geli doona Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmi doona 4-December sida uu Qorshuhu yahay.