Uncategorized

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Darbiga Kenya ay ka dhisayso Xadduuda ay la wadaagto Soomaaliya.

Beled-Xaawo-KNN-Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Xubno ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta booqday Darbiga Dowladda Kenya ay ka dhisayso xadduuda ay la wadaagto Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo Xubnaha la socda ayaa soo kor meeray dhismaha darbiga kala qeybiya Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera, socdaalka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda kenya.

Dhismaha Darbiga ayaa laga bilaabay meel ka soo yara durugsan, halka markii hore loo calaameeyay xadduuda Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana dhulka hoos loo qoday dhowr mitir, si darbiga aas aas loogu sameeyo.

Madaxweynaha ayaa markii uu halkaasi tagay wax war ah siinin warbaahinta waxaana la socday Kaamira maan Madaxweynaha u gaar ah.