Uncategorized

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray degmada Doolow ee Gobalka Gado.

Doolow-KNN-Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan Golahiisa wasiirada iyo Qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobalka Gado.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdigiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha ee degmada Doolow waxaa ku soo dhaweeyay  Xubno wasiiro ah oo halkaasi ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay waxaana la sheegay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo la qaadanayaan Saraakiisha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Mid ka mid Xildhibaanada Jubbaland ee ka tirsan Wafdiga Madaxweynaha ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Madaxweynaha uu safarkiisa salka ku haayo weerar dhawaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobalka Gado kaas oo ay ka dhasheen Dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray Ciidanka Daraawiishta ee Jubbaland.

“Madaxweynaha waxa uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiinta degmada Doolow, Saraakiisha Ciidanka, kuwa Kenya, iyo Qeybaha Bulshada waxa uuna kala hadli doonaa Amaanka” sidaas waxaa Idaacadda Kulmiye u sheegay mid ka mid ah Xubnaha Safarka ku wehliya Madaxweynaha Jubbaland.

Degmada Doolow ee Gobalka gado ayaa waxaa ku xerin 4 ka mid ah Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo loo xiray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Degmada Beled-Xaawo ee Gobalka Gado.