Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed madoobe” ayaa isku shaadeyn ku sameeyay Golahiisa Wasiirada waxaana lagu soo daray Wasiiro Cusub oo ka mid noqonaya Maamulka Jubbaland.
Wasiirka Amniga C/rashiid Janan Hoos iyo Arimaha Gudaha Maxamed Warsame Darwiish ayaan ka dhax muuqan kuwa Isbadalada lagu sameeyay waxayna wali sii heynayaan Xilalkooda, warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Labadaan wasiir uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweynaha Jubbaland.
Hoos ka aqriso Magacayada Wasiirada iyo Xilalkooda.