Somali News

Madaxweynaha Jubbaland oo kenya ka dalbaday in ay furto xuduuda laba dal.

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha  Maamul Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo xiray shir looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa dabar goynta Xanuunada faafa ee Deeganada xuduudka ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa  wuxuu sheegay in laga maarmaan ay tahay in Soomaaliya iyo Kenya ay iskaashigdaan dhinacyada nabadgalyada caafimaadka iyo xiriirka ee bulshooyinka ku nool soohdinta ay wadaagaan Jubbaland iyo Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland oo sii hadlayay ayaa waxaa uu dowladda Kenya ayuu ka dalbaday  in ay dib u furto waqti dhow xuduudka ,si noloshu ay u noqoto mid isku xiran dadkuna ay dhaq dhaqaaq u samayn karaan.

Arintan hadii ay qaadato dowlada Kenya ayaa waxaa ay fursad weyn u tahay Shacabka u safra  Dalka Kenya, Maadaama shacab badan ay walaac ka muujiyeen marista wadooyinka.