Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay In Ciidankiisu aysan Soomaaliya ka bixi doonin iyagoon ka adkaan Al-shabab xasiloonidii Soomaaliyana aan soo celin.
Kenyatta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Difaaca Kenya ay baaqi kusii ahaan doonaan Soomaalia iyaga oo ka hoos shaqaynaya Howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM illaa iyo inta laga bur-burinayo Shabakadaha Argagixisadda, sida uu Madaxweeynuhu hadalka u iri.
“Waxaan Soomaaliya tagnay Sanadkii 2011kii . Wadanka waan sii joogi doonaa ilaa si buuxda aan usoo celino nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu hadalkiisa kusii daray Kenyatta.
Hadalkaan ayuu kasheegay munaasabadda 7 guuradda maalinta Ciidanka Kenya oo ah maalin laxuso ciidanka Nkenya eed hintay iyagoo Shaqo ku jira.


