Somali News

Madaxweynaha kenya oo sheegay in ciidamadiisa aysan ka bixi doono soomaaliya

Muqdisho-KNN-Dowladda Kenya aya sheegtay in ciidamdeeda ku sugan Soomaaliya qaybtana ka ah kuwa nabadda ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom aysan halkaasi kasoo baxeenin inta ay Al-Shabaab ka adkaanayaan.


Qorshaha ayaa ah in ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Kenyana ay qaybta ka tahay in dalka ay ka baxaan marka lagaaro horaanta sanadka 2021, si amniga guud ee dalka ula wareegaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya.


Arbacadii ayaa madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in ciidamadooda qaybta ka ah kuwa Amisom ay sii joogi doonaan Soomaaliya tan iyo nabadda iyo xasiloonida soo celinayaan.
Warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganeeso hadalka madaxwayne Kenyatta ayaa sheegaysa in hadalka madaxwaynuhu uu kusoo beegmayo iyadoo al-Shabaab ay sara u qaadeen weerarada ay ka geesanayaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan kii lagu qaaday hotel ku yaala magaalada Kismayo oo ay ku dhinteen dad gaaraya 26 ruux.
“Kenya waxa ay sii wadi doontaa in doorkeeda ay ka ciyaarto nabadeenta gobolka iyadoona si wadeesa taageerada ay siiso Amisom si nabad iyo xasilooni loo gaaro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxwaynaha Kenya.
Dowladda Kenya ayaa dhawaantan ku guul dareesatay in Al-Shabaab lagu daro liiska argagaxisada caalamiga ah ee Qaramada Midoobe taas oo ay meel marinteeda diideen Golaha Amaanka ee QM, kadib markii dowladda Soomaaliya oo dalabkaasi diidaneed ay ku taageereen dalal dhawr ah oo miisaan ku leh Golaha.
Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobe Abuukar Daahir Cusmaan Baale ayaa Kenya ku eedeeyay in ay dooneeso in lago’doomiyo dadka danta yare ee ku nool goobaha al-Shabaab maamulaan.
“Waxaan dowladda Kenya ka dooneenaa in ay fuliyaan qaraarkii Golaha Amaanka ee tirsigiisu ahaa 751 kaas oo al-Shabaab looga hor istaagayay dhoofinta dhuxusha sharci darada ah, ayuu Mr Baale kusoo qoray bartiisa twiterka.
Hadalka dowladda Kenya ayaa imaanaya iyadoo xubno katirsan xilibaanada Soomaaliya ay wadaan qorsha ah in ladiyaariyo mooshin ciidamada Kenya dalka looga saarayo xilli xubno katirsan Baarlamaanka Kenya ay madaxweenahooda ugu baaqeen in ciidamo lageeyo xad badeedka ay Kenya murunka galinayso.
Maxakamda Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaana dhagaysiga dacawdaa kama dambaysta ah u qabatay in ay qabsoonto 4’ta bisha November ee isla sanadkan.