Uncategorized

Madaxweynaha Kenya”Faragilinta dowladaha shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya wuxuu Qatar ku yahay gobolka oo dhan”

Muqdisho-KNN-Sida lagu xusay maqaal dheer oo lagu daabacay Wargeeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya.

Dowladda kenya ayaa ka digtay in dhaqdhaqaaqyadda Dowlado shihseeye ay ku donayaan in ay wax ugu dhimaan Dowladda Soomaaliya ay Qatar ku yihiin Amaanka Gobolka.

Wax u muuqda Dadaalo cusub oo lagu taageerayo Dowladda Madaxweeyne Farmajo, Kenya Todobaadkii lasoo dhaafay waxay si dadban garabka ugu dhufatay Wadamadda Hishiisyadda Militry iyo Ganacsi la gaaray Maamuladda Somaliland iyo Puntland, iyadoo ku doodeeysa in in Hishiisyadaasi ay Wiiqi karaan dowladda Soomaaliya.

Waa Markii ugu Horeeysay ee Dowladda Kenya ay ka hadasho Halganka Awoodaha Gacanka qaliijka iyo kala jiidashadooda Soomaaliya, kuwaas oo ay hugaaminayo Imaraadka oo fuliyay qal-qalgalin is xigta oo ujeedadu tahay Diciifinta Maamulka Farmaajo, sida uu Nation Maqaalkiisa ku sheegay.

Saraakiil ayaa Wargeeyska u sheegay in Kenya ay dooneyso in Saaxiibadda Caalamku ay diiradda Saraan in ay si toos ah ula xiriiraan Xukuumadda Muqdisho ayna taageeraan  doorka AMISOM iyo dadaaladeedda ay ku tababareyso Ciidamadda Soomaaliya.

Nuqulkii ugu horreeyay ee Fariinta waxaa sheegay Madaxweeynaha Kenya Uhuru Kenyatta  markii todobaadkii lasoo dhaafay uu sheegay in Shirkado shisheeye ay dhaawacayaan Aasaaska Soomaaliya ee AMSIOM ay dhigtay.

“Gobolku Nabad mahan, Somaliya Madagana, Shirkado shisheeye oo wiiqaya Dowlada, Dadka kala qaybninaya ayaa  qatarna ku ah in ay dib u xumaadaan Horumaradii sida xanuunka leh AMISOM ku gaareen” ayuu ku sheegay Qodbaddii uu TV-ga ka jeediyay Arbacadii lasoo dhaafay.

“waan ka simanahay, waan xusuunahay Hadii walaalaheen Soomaliya ay Barrarraan waan Baraareeynaa, haddi ay Amaan helaan waan heleeynaa” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Hardanka u dhexeeya Imaraadka Carabta, Sucuudiga iyo Baxreeyn oo dhinac ah iyo Turkiga iyo Qatar oo dhinaca kale ah ayaa ka qarxay Soomaaliya, taasi oo la aaminsanyahay in ay wax u dhimi karto Amaanka Gobolka.

Sucuudiga iyo Xulifadiisa ee Xayiraadda kusoo rogay Qatar ayaa olole u galay in Soomaaliya ay ku raacdo go’aankaas, Laakiin Dowladda Soomaaliya ayaa goosatay in ay dhex-dhexaad ka ahaato Khilaafka Khaliijka.

Wargeeyska Nation wuxuu sheegay in uu Dublamaasiyiin kasoo xigtay in Madaxweeyne Kenyatta uu Dalalka Khaliijka si dadban ugu sheegay in ay murankooda ka qaadaan geeska Africa.

Dowladda Kenya waxay u aragtaa in Daganaansho la’aanta Soomaaliya ay Sameeyn toos ah ku leedahay, sidaas Darteed ayey Kenya udaneeyneeysaa Xasiloonida Soomaliya.

Al-shabaab oo Dagaal kula jira Dowladda Soomaliya iyo Xulifadeeda ayaa Kenya-na ka  geeysta Weerarro waxyeelo leh.

Waxaana u dambeeyay kii Khamiistii lasoo dhafay ay ku beegsadeen Shaqaale Kaawada kashaqeeya, gobolka Woqooyi bari Kenya.