Uncategorized

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Galabta yimid Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xubno ka mida Labada Gole ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa Galabta ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan C/lle Cismaan Aadan Cadde.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Gobolleedyada oo lagu wado in Berri oo Sabti ah uu ka furmo Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa Berri Gelinka hore imaan doona Magaalada Muqdisho Madaxda Maamul Gobolleedyada kala ah Puntland,Galmudug,Hirsheblle iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxda Maamul Gobolleedyada ku Casuumay Magaalada Muqdisho in ay yimaadaan si looga wada hadlo Khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.