Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degaanka Bali- doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa socdaalka ku wehliya saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka kuwaas oo lagala hadlay howlgallo ka bilaabanaya sida la sheegay deeganada Koonfur Galbeed ee aysan joogin ciidanka xooga.
Waxaa warar lagu kalsoonyahay sheegayaan in qorshaha uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan uu u yimid Bali doogle ay qeyb ka tahay diyaar garoow loogu jiro in la isku furo wadada xeriirisa Gobolada Shabeelaha hoose iyo Baay iyo Bakool.
Degaanka Bali doogle ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa Caddaan ah.