Somali News

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Somaliya

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen ) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya oo safar shaqo ku jooga magaalada ayaa Safarada Dowladda Marekanka kula kulmay Brian T.Neubert safiir ku xigeenka Marekanka u fadhiya Soomaaliya.

Waxaana ay wada qaateen shir gaar ah oo looga hadlayey sidii Dowlada Mareykanka ay uga qeyb qadan lahayd arimaha dib udhiska hay,addaha dowliga iyo sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeyey dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowlada Mareykanka.

Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed Ugaas Xasan ayaa sheegay in sidoo kale shirka inta uu Socday waxaa la isla soo qaaday sidii dagaalka ka mhanka ah Alshabaab loo kordhin lahaa loogana sifeyn lahaa Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya