Somali News

Madaxweynaha Mareykanka oo eed loo jeediyay.

Muqdisho-KNN-Dacwad oogaha gaarka ah ee Robert Mueller ayaa xeer ilaaliyaha guud ee dowlada mareykanka u gudbiyay xog u ruurin ku aadan doorkii ay dowlada Ruushka ku lahayd doorashooyinkii dalkaasi ka dhacayay sanadkii 2016’kii.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada mareykanka ayaa daraaseen doona xogta loo soo gudbiyay isagoona kadib gaari doono go’aan ah in xogtaasi lahor geen karo Congress’ka dalkaasi.

Masuuliyiin katirsan waaxda cadaalada ee dowlada mareykanka ayaa sheegay in baaritaanada uu sameeyay Robert Mueller aysan ku jirin wax muujinaya dambi galid.

Dacwada ooge Mueller ayaa sidookae horay dacwado kala duwan ugu gudbiyay illaa iyo 6 katirsan masuuliyiin la shaqeenayay madaxwayne Trump iyo tobanaan katirsan shaqaalaha Ruushka.

Madaxwayne Donald Turmp iyo qaar kamid ah xilibaanada Jamhuuriga ayaa durbadii cambaareeyay baaritaanada uu Robert Mueller u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee dowlada mareykanka.