Somali News

Madaxweynaha Mareykanka oo go’aan ka soo saaraya dilkii Weriye Jamaal Khaashuqji

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Isniinta berri uu maamulkiisu ka hadli doono xaaladda Sucuudiga, kadib warbixintii ay soo saareen sirddoonka Mareykanka ee ku saabsaneyd in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu amray qorshihii lagu dilay weriye Jamaal Khaashuqji.

Markii Biden wax laga weydiiyay, su’aasha ku saabsan in tallaabo laga qaadi doono Maxamed Bin Salmaan iyo in kale, waxuu ku jawaabay “In Isniinta ay war kasoo saari doonaan waxa laga yeelayo Sucuudiga.”

Joe Biden wax faahfaahin ah kama uusan bixin waxyaabaha ay ka hadli doonaan ee ku aadan dilka Kaashuuqji.

Shalay ayay aheyd markii sirdoonka Mareykanka uu sheegay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji, kaas oo dalka Turkiga ka dhacay sanadkii 2018-kii.

Warbixinta sirdoonka Mareykanka waxaa lagu sheegay in dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan uu kooxdii dishay Weriyaha ku amray inay soo qabtaan ama khaarajiyaan, sidaasna lagu khaarajiyey Weriye Jamaal.