Somali News

Madaxweynaha Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya u soo magacaabay Ambassador Donald Yukio Yamamoto wuxuuna noqonayaa Safiirka Mareykanka u fadhiya dalkeena Soomaaliya.

Safiirkan ayaa waxaa la sheegay in shaqada Diplomaasiyada uu ku soo biiray sannadkii 1980-kii, isagoona hada masuul ka ahaa  Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ee Qaaradda Afrika.

Sannadihii 2000 ilaa 2003-dii.ayaa waxaa uu ahaa danjirihii Mareykanka ufadhiyay dalka Jabuuti, isagoona ka mid noqonaya Safiirada ay dowlada Mareykanka u soo magaacowda Soomaaliya.

Taariikhdiisa oo aad u dheeraad safiirka ayaa waxaa la sheegayaa in Danjire KMG ah uu  ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii, isla sanadihii u dhexeeyay 2006-dii ilaa 2007-dii,waxaa uu soo noqday danjiraha Mareykanka u fadhiya  dalka Itoobiya .

Magacaabistaan ayaa  ku soo beegmaysa, kadib markii dhawaan Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyay  Soomaaliya, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore.

Dowlada Mareynka ayaa waxaa ay ka mid tahay dowlada inta badan Soomaaliya ka caawiya dagaal adag ee lagula jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab,iyadoona badanaa tababaro siiso ciidamada xoogga,sidoo kale waxaa ay door weyn ka qaadataa duqeymaha joogtada ah ay diyaaraha mareykanka ka fuliyaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo Al-Shabaab qeybo ka mid ah ay ku xoogan yihiin,inkastoo mudooyinkii ugu dambeeyay ay awoodooda hoos u dhacday.