Somali News

Madaxweynaha Mareykanka oo soo saaray amar ka dhan ah dadka magangalyo doonka ah

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Salaasadii saxeexay amar fulineed oo lagu xakamaynayo tirada muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee ka soo gudbaya xuduudda u dhexeysa Maraykanka iyo Mexico.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Maraykanka ayaa sheegay in “madaxweyne Biden uu aaminsan yahay in la sugo ammaanka xuduudda, taasina ay tahay sababta uu u soo saaray amarkan fulineed, si dadka muhaajiriinta ah ee sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda Koonfureed looga hor-istaago inay helaan magangelyo” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay aqalka cad.

Amarkan fulineed ayaa ka hor-istaagaya muhaajiriinta sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda koonfureed inay dalban karaan magangelyo.