Somali News

Madaxweynaha Nigeria oo ku horeeya Natiijadda Doorashaddii dalkaasi ka dhacday

Muqdisho-KNN-Madaxweyne Muxamaduu Buhari ayaa ilaa iyo hadda hogaaminaya natiijada codadka la tiriyay ee doorashada guud ee dalka Nigeria, waxa uuna ku guuleystay codadka afar ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay.

Mr Buhari ayaa ku guuleystay naatijada doorashada ee laba gobol oo ku yaalla koonfuur galbeed iyo mid ka mid ah gobollada ku yaala bariga dalkaasi, halka ninka ay aadka isu hayaan ee Atiku uu ku guulesyaty natiijada caasimadda Abuja.

Iyadoo natiijooyinka doorashada ay iska soo deba dhacayaan ayaa xisbiga Abubakar ee (PDP) waxa ay sheegeen in wax isdeba marin lagu sameeyay doorashada.

Gudoomiyaha xisbigaasi Uche Secondus ayaa tirinta codadka ku tilmaamay “mid aan sax ahayn oo aan la aqbali karin”.

Waxa uu ku andacooday inay jirtay isku dey dowladda iyo hay’addo kale ay ku doonayeen in “natiijada laga been sheego”, balse wax caddeyn ah uma hayn arrinkaasi.