Muqdisho-KNN-Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Somaliya ayaa amar ku bixiyay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo cidii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Qoyska Xasan Cabdi Cawad oo ah gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kaasi oo caruurtiisa gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay 15-kii Bishan Degmada Hodan.
Mid ka mid ah Caruurta ayaa geeriyooday, halka laba kale oo xaaladooda caafimaad ay liidato shalay dalka dibadiisa loo qaaday, kadib markii mid ka mid ah caruurta dalka wax looga qaban waayay Koomana uu ku jiray.
Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay falkaasi in aanan sidaasi looga hari doonin oo Dowladda Soomaaliya ay ku sameynayso baaritaan dhab ah.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha inuu si adag amar ugu bixiyay baaritaanka xasuuqa loo gaystay qoyskaasi oo illaa hadda aanan la ogeyn cida ka dambeysay falka lagu rasaaseeyay.
Qoyskan oo gaari yar wada saarnaa ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Isbitaalkii Digfeer ee Degmada Hodan, waxaa halkaasi ku geeriyooday saddex, halka Afar kalena dhaawac uu soo gaaray, Kooxaha hubaysan ayaa watay gaari yar.